Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo xalay gaaray dalka Jabuuti ayaa la filayaa inuu maanta la kulmo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadli doona arrimo badan oo quseeya xiriirka walaaltinimo ee labada dal.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in Madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ay ka wada hadli doonaan arrimaha iskaashiga gobolka oo muddooyinkii u dambeeyay ay socdeen dadaalo Jabuuti loogu soo darayo isbaheysiga saddex geesoodka ee Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale si horudhac ah uga wada hadli doona arrinta Somaliland, iyadoo lagu wado in gelinka dambe ee maanta uu Madaxweyne Farmaajo kula kulmi doono magaalada Addis Ababa Madaxweynaha Somaliland.

Jabuuti ayaa horay wada hadalo dalkeed ugu qabatay Soomaaliya iyo Somaliland, waxaana la xusuustaa kulankii Madaxweynihii hore Xasan Sheekh iyo Madaxweynihii hore Somaliland Axmed Siilaanyo.

Itoobiya ayaa u muuqata inay haatan qaadaneyso doorka wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, haddii maanta uu qabsoomo kulankii u horeeyay oo fool ka fool ah oo isugu yimaadaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.