Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa qaabilay Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), kaasoo Sabtidii ay dowladda Kenya ka dalbatay inuu dalkiisa ku laabto.

Kulankan oo aan wax faah faahin laga bixiyay, balse sawir lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya Safiir Tarsan oo Madaxweynaha warbixin siinaya.

Dowladda Soomaaliya ayaa nasiib darro ku tilmaamtay in Kenya ay ku wargeliso Safiirka Soomaaliya inuu dalkeeda ka baxo, iyadoo aysan jirin wax wadtashi ah.

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya Macharia Kamau ayaa sheegay in Safiirka Soomaaliya aysan eryin, balse ay ka dalbadeen inuu dalkiisa ku laabto, si uu wadatashi ula yeesho.

Hase yeeshee nidaamka diblomaasiyadda ayaa dhigaya in dowlad ay u yeeran karto Safiir ka jooga dal kale, balse haddii dowlad ka dalbato Safiir dal kale matala inuu dalkeeda si degdeg uga baxo ay ka dhigan tahay calaamad safaarad kala qaashado iyo ceyrin.

Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabeysay cabashadii Kenya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in aanay jirin dhul badeed lagu mursan yahay oo ay xaraashtay.