Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Burundi, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas.

Safarka Madaxweynaha ee Burundi ayaa ah kii u horeeyay, tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha bishii February 2017, waxaana horay Madaxweynuhu booqasho ku tagay dalalka ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee deriska ah.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza ayaa ka wada hadli doona xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dowladood iyo sare u qaadidda iskaashiga dhinaca nabadgelyada.

Burundi ayaa qeyb ka ah dalalka Midowga Afrika ee Ciidamada u soo diray Soomaaliya, waxaana ciidankoodu qayb ka yahay Ciidamada Nabad Ilaalinta ee AMISOM.

Dowladda Burundi ayaa ka careysan mowqifka midowga Afrika ee dalka looga saarayo dhamaadka bishan kun kamid aha skartooda, kuwaasoo laga wadayo gobolka Sh.dhexe, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in kulanka labada Madaxweyne ay arintaasi qeyb ka tahay.

Burundi ayaa ku andacooneysa in hadii la saarayo tiro kamid ah askarta Amisom ay tahay in laga wada qaado dhamaan dowladaha Ciidamadooda ay ku suganyihiin dalkan, inkastoo baaqoodaas aan u dheg raaricin hoggaanka midowga Afrika.

Wafdiga qaybta ka ah booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulamo lagu lafo-gurayo adkaynta wada shaqaynta ka dhexaysa labada dal iyo danaha ay wadaagaan waxa ay la yeelan doonaan dhiggooda dalka Burundi.

Madaxweyne Farmaajo oo dhowaan ay labo sano u buuxsantay, inta uu xafiiska uu joogo waxaa uu galay safaradii ugu badnaa, marka loo barbar dhigo labada sano ee u horeeyay Madaxweynihii isaga ka horeeyay, waxaana lagu xusuustaa in Faraamo xilligii uu ololaha ku jiray inuu Madaxda ku dhaliili jiray safarada badan, taas cagsigeeda safaradiisa ay haatan noqdeen kuwo tiro badan.