Madaxweyne Farmaajo oo xalay ku hoyday magaalada Marka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay ku hoyday magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii uu maalintii shalay uu safar lama filaan ah ku tagay magaalada.

Safarka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmay, sanad-guuradii koowaad ee qaraxii 14 October ee boqolaalka ruux ay ku dhinteen.

Madaxweynaha ayaa la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada, sida odayaasha deegaanka oo uu kala hadlay amniga iyo sidii ay ula shaqeyn lahaayeen ciidanka dowladda.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la kulmay dhinacyadii ku dagaalamay magaalada Marka oo todobaadyo ka hor ay Ciidanka dowladda ku guuleysteen inay kala qaadaan.

Madaxweynaha ayaa la arkayay isagoo dhex socda bartamaha magaalada, lana shaahayay dadka deegaanka, sidoo kale waxaa uu Madaxweynuhu booqday Xeebta Marka oo carruur kubad ku ciyaareysay.

Madaxweynaha ayaa shalay ku tagay magaalada Marka diyaarad Helicopter ah oo ka qaaday magaalada Muqdisho, iyadoo ku dejisay Saldhigga Ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Ceeljaale.