Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Ku Xigeenada 1aad iyo 2aad ee Baarlamaanka HirShabeelle Cabdi Xuseen Geedi iyo Canab Axmed Ciise, xubno labada Gole ee dowlad goboleedka Hirshabelle, Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo masuuliyiin kale ayaa maanta booqday cutubyo ciidanka booliska DG HirShabeelle oo tababar uu uga socdo Dugsiga Tababarada HirShabeelle.

Madaxweyne ku xigeenka DG HirShabeelle Cali Gudlaawe Xuseen ayaa deeq xoolo ah ku wareejiyay ciidamada tababarka ku jira waxana ay ciidamada goobta ku soo bandhigeen gaado ka ciyaar iyo tababar qurux badan oo noqday mid aad loo jecleystey.

Madaxweyne ku xigeenka iyo wafdigii la socday ayaa kormeeray hoyga ay jiiftaan ciidamada iyo xaaladaha ay ku noolyihiin kadibna si wadajir ah ayay u wada qadeeyeen.

Wasiir kuxigeenka Amniga Maamulka Hirshabeelle Geele Isxaaq Warsame ayaa ka warbixiyay ciidamada tababarka u socoda waxana uu xusay inay yihiin ciidamo ka kala yimid labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle Cabdi Xuseen Geedi oo la hadlay ciidamada ayaa sheegay inay ciidamada booliska ay yihiin u edeegaha shacabka.

Ugu dambeyn Madaxweyne ku xigeenka dowlada HirShabeelle oo la hadlay ciidamada tababarka qaadanayo ayaa ku baraarujiyay inay noqdaan kuwii dowladnimada iyo dalka ka difaaci lahaa cadowga sidoo kale waxa uu u sheegay inay bulshada saaxib la noqdaan si looga adkaado sharwadayaasha dadkeena dhibaya.

Ciidamada uu tababarkan u socdo oo ah dufcadii labaad ee loo tababaro Booliska Maamul Goboleedka Hirshabelle ayaa qaadnayay tababarkan muddo ku dhow labo bilood.