Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid oo ku sii jeeda Garbahaareey

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku wajahan Magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo kadib markii shalay ay ka dhaceen banaanbaxyo loogaga soo horjeeda maamulka Jubbaland.

Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne ku xigeenka ayaa la sheegay in uu doonaayo in uu xaliyo khilaafka ka dhex jira qaar ka mid ah shacabka magaalada Garbahaarey iyo maamulka Jubbaland.

Magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo waxaa shalay ka dhacay banaanbax looga soo horjeeday xubno Wasiiro ah oo gaaray magaaladaasi.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa lagu waddaa in uu la kulmo bulshadda kunool Magaalada Garbahaarey.