Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa kula kulmay magaalada Ceelwaaq saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM ee gobolka Gedo ka howlgala.

Kulankan ayaa looga hadlayay arrimaha Amniga deegaanada Jubbaland oo ay ka howlgalaan ciidamada AMISOM gaar ahaan ciidamada ka socda dalka Kenya.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa saraakiisha Ciidanka AMISOM kala hadlay sidii ay ugu qayb qaadan lahaayeen sugida amaanka deegaanada maamulka Jubbaland iyo in Ciidamada Jubbaland ay ka gacan siiyaan sidii deegaanada Al-Shabaab ay ka joogaan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo looga xoreyn lahaa.

Taliska ciidanka AMISOM ee Gobolka Gedo ayaa Madaxweyne ku xigeenka ka balan qaaday in ay qayb ka qaadanayaan arimaha amaanka ee deegaanada maamulkaasi iyo sidii Al Shabaab looga saari lahaa deegaanada uu ka arimiyo maamulka Jubbaland.

Maamulka Jubbaland ayaa qorsheynaya in uu isbedel ku sameeyo  saraakiisha amaanka iyo Maamulada Degmooyinka qaar si sare loogu qaado nidaamka Maamul ee Gobolka Gedo.