Madaxweyne kuxigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu magaalada Jowhar ka baxay, isagoo sheegay inuu magaalada ku sugan yahay.

“Magaalada Jowhar ayaa ku suganahay, howlihii caadiga ee maamulka waa socdaan, Golaha Wasiirada, maamulka heer Gobol, heer degmo howlahooda ayay wataan, ciidamada amnigana magaalada waa ku sugan yihiin”ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Milateriga oo uu hoggaaminayo Taliyaha Guutada 1aad ay ku sugan yihiin magaalada, sidoo kale Ciidamada AMISOM ayaa jooga magaalada.

Qeyb ka mid ah Ciidanka xoogga dalka ee ka tirsan Taliska 27aad ayaa isaga baxay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, sida Mahadaay, Buurane , Garsaale iyo Qalimow, kuwaasoo aaday dhanka degmada Balcad.

Ciidamada ka baxay deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe ayaa ka cabanaya mushaar la’aan iyo raashin la’aan, waxaana xooggooda ay ku sugnaayeen degmada Mahadaay iyo deegaanada dhaca duleedka garoonka diyaaradaha Jowhar.