Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar oo maxkamad la soo taagay

Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubno kale oo ka tirsanaa maamulkiisa ayaa saaka maxkamad ku taal magaalada Addis Ababa la soo taagay.

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in loo haysto Cabdi Maxamuud Cumar dambiyo ay ka mid yihiin ku tumasho xuquuqda aadanaha,ku xadgudub  awoodeed iyo inuu ka dambeeyay banaanbaxyadii rabshadaha watay ee ka dhacay qaar kamid ah magaalooyinka Itoobiya.

Maxkamada ayaa sidoo kale waxaa ka soo hormuuqday mas’uuliyiin ay ka mid yihiin;-

Cabdi Jamaal wasiirkii caddaalada,Raxma Maxamed wasiirkii hore ee haweenka iyo carruurta,ibraahim Mahad wasiirkii waxbarashada,ibraahim Maxamed mubaarak guddomiyihii magaalada Jigjiga,Cumar cabdi madaxii siyaasada ee xisbiga dowladd deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo xubno kale.

Lama oga inta ay qaadan doonto maxkamadeynta Cabdi Maxamuud Cumar iyo mas’uuliyiinta kale.