Xildhibaan Mahad Salaad Maxamed oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa saaka u ambabaxay deegaanada uu ka soo jeedo ee Gobolka Galgaduud, gaar ahaan Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Mahad Salaad ayaa muddo sanado ah tagin deegaanadaas, kaddib xiisadii ka dhalatay dhismihii Maamulka Galmudug iyo iska hor imaadyadii dhex maray Ciidamada dowladda iyo ciidankii Ahlusuna ee deegaanadaas ka talinayay.

Wararka ayaa sheegaya in tagitaanka Mahad Salaad ee deegaanadaas ay ka dambeysay wada hadalo muddo socday, laguna xaliyay khilaafaad isaga iyo Ahlusuna u dhaxeeyay.

Qoraal uu bartiisa Facebook soo geliyay ayuu kaga hadlay ujeedada safarkiisa ee Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Halkan ka akhriso qoraalkiisa:-

Saakay waxaan safar ugu anbabaxay degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ee dowlad goboleedka Galmudug. Safarkeygu wuxuu isugu jiraa:

1. Dib-u-heshiisiin guud iyo mid gaar ahaaneed.

2. Gogol xaar sidii loogu diyaar garoobi lahaa gogashii uu fidiyay Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur.

3. Furida mashaariic dhinaca biyaha ah oo aan ka fuliyay tuulooyin hoos yimaada Degmooyinka Guriceel, Balanbale iyo Dhuusamareeb.