Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay Madaxda dowladda in aysan siyaasadeyn mushaarka Ciidamada qalabka sida, kaddib markii Ciidamo ka tirsan xoogga dalka ay ka soo baxeen fariisimo ay ku lahaayeen Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Mahad Salaad ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan xoogga dalka ay isaga baxeen degmada Mahadaay, Qalimow, Garsaale iyo farriisimo ku lahaayeen duleedka Jowhar.

“Xiriir aan la sameeyay Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska waxay ii sheegeen in mushaar la’aanta ciidamada in aysan ku koobneyn Milateriga kaliya ee sidoo kale ciidamadii Nabadsugida laga soo wareejiyay ee Booliska lagu daray iyo kuwii 14kii Oktoobar iyagana mudo dhowr bilood ah aysan mushaar qaadan”ayuu yiri Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo intaa ku daray in muddo 6 bilood aysan Ciidamada qaadan wax mushaar ah

Waxaa uu sheegay in Ciidamada la diiwaan geliyay loo sheegay in mushaarka loogu soo shubi doono akoonadooda, balse aanay illaa iyo hada wax lacag ah u soo dhicin.

“Haddaba, waxaan ugu baaqaynaa Madaxda Qaranka in aan la siyaasadayn mushaarka ciidamada, lagana dhaafo ciidamada hadalada xaqiiqada ka fog ee warbaahinta loo marinayo. Sababna aan loo noqon iska horkeenida ciidamada iyo saraakiishooda. Taasoo keeni doonta in ciidamadu furimaha dagaalka soo baneeyaan, cadowgana si sahlan gacanta loogu geliyo deegaano xoreyntooda loo huray naf iyo maal aad u badan”ayuu yiri Mahad Salaad.

Hadalkan ka soo yeeray Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ku soo beegmaya, xilli habeen hore uu Ra’iisul Wasaare Kheyre uu sheegay in Ciidamada la diiwaan geliyay la siiyay mushaarkooda, balse ay jiraan Ciidamo weli diiwaan gelintooda socoto oo xuquuqdooda la siin doono.