Kooxda Manchester City ayaa markii labaad oo isku xigta ku guuleysatay horyaalka Premier League ka dib markii ay 4-1 ugaga badiyeen ciyaar ka dhacday garooka kooxda Brighton ee Amex Stadium.

Goolasha ay ku badisay kooxda Man City oo ciyaarta goolka loogaga hormaray ayaa waxaa u dhaliyay Aguero, Laporte, Mahrez iyo Gundogan.

Ciyaartii maanta ee ugu dambeysay tartankii horyaalka Premier League ayaa kooxda Man City waxa ay u ahayd kulan final oo kale ah iyadoo ay ku qasbanayd inay badiso maadaama Liverpool ay aad ugu dhoweyd kala horeynta kooxaha.

Kooxda Man City ayaa koobkan oo markii labaad ku guuleysatay iyadoo urursatay 98 dhibcood halka kaalinta 2aad ay gashay kooxda Liverpool oo 97 dhibcood heshay halka kooxda Chelsea ay gashay kaalinta 3aad iyo Tottanham ayaa kaalinta 4aad gashay.

Tartanka horyaalka Premier League oo sanadkan xiise u sii yeelay kadib markii afar koox oo ka ciyaara tartankan ay kaalimaha finalka yimaadeen horyaalk Champion League iyo Europe League.

Waa markii ugu horeysay muddo 10 sannadood ah oo koox ay ku guuleysatay labo xilli ciyaareed oo isku xigta horyaalka Premier League, markii ugu danbeysay waxaa sameysay United oo hanatay sannadihii 2008 iyo 2009 markaasoo uu macalin u ahaa Sir Alex Ferguson.

Iyadoo horyaalka Ingiriiska uu soo xirmey ayaa tartanka gool dhalinta ee kabta dahabka waxaa sanadkan qeybsanaya 3da ciyaaryahan ee ka soo jeeda qaarada Afrika Sadio Mane, Pierre-Emerick Aubameyang iyo Mohamed Salah kadib markii ay min 22 gool dhaliyeen.

Sanadkii hore ayaa Mohamed Salah uu ku guuleystey gool dhalinta horyaalka Premier League hase ahaatee waxaa kulamadii maanta la ciyaaray u suurtogashay Mane iyo Aubameyang inay min labo gool dhaliyaan oo ay barbareeyaan Mohamed Salah.