Maraykanka ayaa beeniyay in uu askari uga dhintey dagaal weerar ay xalay ku qaadeen ciidamo Maraykan ah iyo kuwo Soomaali ah saldhig ay ururka Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Daarasalaam oo ka tirsan degmada Aw-dheegle.Sarkaal u hadlay ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in dhammaan askartii Maraykanka ee taageerayey kuwa Soomaalida ay soo wada laabteen iyaga oo bad qaba.

Al-Shabab ayaa sheegatay inay dishay askari Maraykan ah, isla markaana ay iska caabisay weerar uga yimid ciidamo Soomaali ah iyo kuwo Maraykan ah.

Maraykanka ayaa kordhiyay weerarada duqeynta ah ee uu ku qaadayo saldhigyada Al-Shabaab sanadkan 2019ka.