Taliska ciidamada Mareykanka Afrika ee loo soo gaabiyo AFRICOM ayaa ka hadlay duqeyn ay habeenkii labaad ay ka fuliyeen deegaano ka mid ah dalka Soomaaliya.

Weerarkan ayay ku sheegeen AFRICOM in ay 24-kii bishan ay duqeyn ka fuliyeen meel 23 mile u jirta magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Duqeyntan ayaa waxa ay ciidamada Maraykanka ku sheegteen in ay ku dileen 35 ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab iyadoo aysan wax qasaare ah ka soo gaarin dad rayid ah.

“Weerarkaas waxa uu ka hor-tagay halis ku wajahneyd saaxiibadeenna iyo shacabka Soomaaliyeed, ka hor inta Al-Shabaab aysan awood u yeelan inay is abaabusho” ” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Maj. Gen. Gregg Olson oo ah agaasimaha howlgallada AFRICOM.

Ciidamada Maraykanka ayaa waxa ay sheegeen in weerarkan lala helay koox  ka tirsan Al- Shabaab xilli ay isaga gudbiyeen laba deegaan oo baadiye ah oo ku yaala gobolka Hiiraan.
Qoraalkan ayaa lagu sheegay in ay ciidamada Maraykanka ay sii wadi doonaan howlgalada ay ka fulinayaan dalka Soomaaliya.

“Waxaan sii wadi doonnaa inaan taageerno saaxiibadeenna Soomaaliiya, gaar ahaan marka howl-galladooda ay na siiyana fursad aan dagaalka ugu billowno Al-Shabaab, taasi oo qeyb ka ah xeeladdeena” ayuu yiri.

Mareykanka ayaa sanadkaan cusub ee 2019ka waxa uu kordhiyey weerarada uu la beegsado xarumaha Al-Shabaab,waxaana duqeymihii u dambeeyey uu ka fuliyey deegaano ka tirsan Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Hiiraan.