Dowlada Maraykanka ayaa horaantii bishii la soo dhaafay waxa ay soo saartay amar ku aadan muwaaddiniinta Mareykanka ee xilalka saameynta siyaasadeed leh ka haya dalal kale.

Digniinta oo ah mid shuruucda dalkaas lagu caddeynayo ayaa lagu sheegay inay dhici karto in qofkaas uu lumiyo dhalashada Mareykanka, haddii uu u tartamo xil, loona dhaariyo, taasi oo dowladda Mareykanka ay sheegtay in aysan waafaqsaneyn shuruucda dalkeeda.

“Kiisaska la xiriira muwaaddiniinta Maraykanka ee haatan madaxweyne ka ah dalal kale, ama wasiir arrimo dibadeed ah waxaa ka dhalanaya su’aalo adag oo la xiriira sharciyada caalamiga ah, wasaaradda arrimaha dibedda ayaa arrimahaasi si gooni gooni u eegi doonta”. Ayaa lagu yiri war qoraal ah oo lagu daabacay bogga wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka.

Saameynta ka dhalan karto arrinta ayaa la sheegay inay taaban karto madaxda dowladda Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaha haddii uu damco in uu tago Mareykanka, maadaama uu heysto dhalasha Mareykan ah.

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in digniintan aysan quseyn muwaaddiniinta u dhashay Mareykanka ee u shaqa taga dalal kale, balse aanan ku lugta lahayn go’aannada siyaasadeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay isagoo xilka haya ka baaqday shir madaxeedka Qaramada Midoobay ee sannad walba ka dhaca magaalada New York.

Xigasho;BBC