Milateriga Mareykanka ayaa dib u bilaabay duqeynta ay ka wadaan Soomaaliya, kaddib markii todobaadyadii la soo dhaafay la hakiyay, taasoo ka dambeysay warbixin ay soo saartay Hey’adda Xuquuqul Insaanka ee Amnesty International oo ku eedeysay in duqeymaha Mareykanka ka fuliyo Soomaaliya ay ku dhinteen dad rayid ah.

Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in duqeyn uu ka fuliyay Talaadadii la soo dhaafay degmada Jilib lagu dilay dagaalame ka tirsna Al-Shabaab, waxaana la sheegay in aanay duqeyntaas wax khasaare ah ka soo gaarin dad shacab ah.

Milateriga ayaa sanadkii la soo dhaafay kordhiyay duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya, waxaana sanadkan kaliya uu fuliyo dhowr iyo labaatan weerar cirka ah oo lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Hase ahaatee Hey’adda Amnesty International ayaa warbixin ay soo saartay 18-kii bishii Maarso ay tiro dad rayid ah ku dhinteen duqeynta Mareykanka ka wado Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa ka mid ah 7 dal oo Mareykanka ka wado duqeymaha, iyadoo aanu xog badan ka bixin tirada dadka rayidka ah ee ku dhinta duqeynta ay la beegsadaan deegaanada Al-Shabaab maamulaan.