Mareykanka oo sheegtay in 18 Al-Shabaab ku dileen duqeyn ka dhacday duleedka Kismaayo

Mareykanka ayaa sheegay in weerar duqeyn is difaacid ah uu ku qaaday dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab dudeedka magaalada Kismaayo.

Duqeynta ayaa ka dhacday deegaanka Janaay Cabdalla oo qiyaastii magaalada Kismaayo 50KM waqooyi Galbeed kaga beegan, waxaana lagu dilay 18 dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Weerarka cirka ayaa ka dambeeyay markii weerar ay la kulmeen Ciidamo Mareykan ah iyo Ciidamada Danab ee ka tirsan Xoogga dalka.

Intii ay socotay iska hor imaadka ayaa la sheegay in ciidanka xoogga dalka ay dileen labo dagaalame.

Ciidamada Danab ee xoogga dalka iyo Ciidamo Mareykan ah, ayaa muddooyinkii u dambeeyay howlgalo ka fulinayay duleedyada magaalada Kismaayo.

Akhriso war saxaafadeedka Taliska Mareyoanka ee Afrika:-