Taliska Mareyaknak ee Afrika ayaa soo saaray warbixin ku saabsan tirada weerarada uu sanadkan bilowga ah ka fuliyay Soomaaliya, iyadoo duqeymahaas lagu dilay dagaalyahano fara badan oo ka tirsan Al-Shabaab.

Qoraal ka soo baxay taliska Ciidanka Mareykanka Afrika ee Africom ayaa lagu sheegay in sanadan ay Soomaaliya ka geysteen 20 weerar oo isugu jiray kuwo cirka ah iyo dhulka.

Gregory Hadfield oo ah Afhayeenka Milatariga Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in sanadkan 2019ka ay in ka badan 200 oo Al-Shabaab ah ku dileen weeraro ka dhaca gobolo kamid ah Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa la sheegay in 60 Al-Shabaab lagu dilay weeraro saddexdii maalmood ee la soo dhaafay laga fuliyay Bartamaha Soomaaliya.

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in Lix weerar oo Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay la fuliyay ay Afar kamid ah hal habeen ka dhaceen gobolka Sh/Hoose, gaar ahaan deegaanka Kuunya Baroow, Awdheegle, iyo deegaanka Janaale.

Wasaarada Difaaca mareykanka ayaa ku qiyaastay tirada dagaalyahanada Al-Shabaab iney u dhexeyso 3000 ilaa 7000 oo dagaalame, kuwaasoo aan meel ku hakanin oo hadba meel weerara.

Mareykanka ayaa muddooyinkii u dambeeyay kordhinayay weerarada cirka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo labada bil ee u horeysay sanadkan 2019 uu fuliyay illaa 20 weerar.

Sanadkii hore ee 2018, ayuu sheegtay inuu dalkan ka geystay 47 weerar oo uu ku dilay 300 oo xubnood oo isugu jira Saraakiil iyo dagaalyahano katirsan Al-Shabaa