Kooxo bistoolado ku hubeysan ayaa goordhow degmada Hodan ku dishay Mas’uul ka tirsanĀ  Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Ninka la dilay oo lagu magacaabi jiray Maxamed Mursal waxaa xaafada Siigaale ku dishay dhalinyaro wadatay Mooto Bajaaj, kuwaasoo dhowr xabadood qeybta sare ee jirka kala dhacday Marxuumka oo xiligaasi u socday goobtiisa Shaqo.

Maxamed Mursal ayaa ahaa Xeer Ilaaliye kuxigeen ka tirsan Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka, isagoo la sheegay inuu ka mid ahaa ragga ugu firfircoon ee Xafiiska.

Ciidamada amaanka ee degmada Hodan oo tagay halka uu dilka ka dhacay, ayaa sameeyay howlgal baaritaano ah, iyadoo aanay u suura gelin inay gacanta ku soo dhigaan raggii dilka ka dambeeyay.

Si kastaba Xaafada Siigaale ee degmada Hodan oo ka mid aheyd meelaha ugu amniga fiican, ayaa mudooyinkii u danbeeyay waxaa ku soo kordhay dilalka ay geystaan Kooxaha bistooladaha ku hubeysan, iyadoo dhowaan lagu dilay Guddoomiyihii Ururka Dhalinyarada degmada Hodan iyo Sarkaal ka tirsanaa Ciidankii Nabad Sugida ee markii danbe booliska loo wareejiyay.