Waxaa soo baxaya baaqyo ku aadan sidii loo joojin lahaa colaad ka soo cusboonaatay deegaano ka tirsan degmada Cadale halkaa oo maleeshiyo beeleedyo hubeysan uu dagaal ku dhex marayo.

Xildhibaan C/dir Carabow oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka qaranka ayaa ugu baaqay beelaha ku dagaalku ka dhexeeyo inay si shuruud la’aan ku joojiyaan dirirta dhex maraysa.

Xildhibaanka ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in dhalinyaro Soomaaliyeed ay si macno darro ah ugu dhinteen dagaal aan ujeedadiisa la ogeyn,waxana uu ugu baaqay mas’uuliyiinta gobolka iyo oday dhaqameedyada gobolka Sh/dhexe in ay u istaagaan sidii loo joojin lahaa dagaal beeleedka.

Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegay in dadaalo xoog leh oo meel wanaagsan marayso in la xaliyo khilaafka labada beel uu si kedis ah dagaalka maanta ku qarxay.

“Waxgaradka labada bee lee dagaalka quseeyo waxaan ugu baaqayaa in si shuruud la’aan ah dagaalka u joojiyaan,uuna caqligu shaqeeyo dadka walaalaha ahna ay nabad ku wada noolaadaan.”ayuu yiri guddoomiye Meyre Makaraan.

Dagaalka maanta ka qarxay deegaan ka tirsan degmada Cadale ayaa sababay khasaaro isugu jira dhimasho,dhaawac iyo barakac.

Illlaa hadda lama oga dadka ku dhiney ama ku dhaawacmay dagaalkan balse warar ayaa sheegaya in tirada dhimashada ay ka badan tahay labaatan ruux oo ah maleeshiyaadka dagaalamay halka dhaawacana uu intaa ka sii badan yahay.