Iyadoo maalinta berri lagu wado in magaalada Garowe uu ka furmo Shirka u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ayaa waxaa horyaala qodobo dhowr ah oo la saadaalinayo sida Madaxda isugu waafaqi doonaan.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda dowlad Goboleedka martida loo yahay ee Puntland, Madaxweynayaasha Galmudug, Jubbaland, Koofur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa shirka isugu imaanaya oo miiska isa soo hor-fariisan doona.

Shirka ayaa lagu tilmaamay kii ugu kululaa oo madaxda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedayda dhex mara intii ay jirtay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo, marka laga hadlayo qodobada miiska saaran oo aad loogu kala argti duwan yahay.

Hadaba waxaa ku eegeynaa warbixintan qodobada looga hadlayo shirka ee la hadal hayo.

1- In heshiis laga gaaro Qodobka 51aad ee dastuurka oo ka hadlayo Xiriirka Iskaashiga Heerarka Dawladaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Qodobkaan oo ay soo hoos galayaan inta badan waxyaabaha la isku maandhaafsan yahay sida;

• Siyaasadda: Waxaa laga hadli doonnaa cidda xaqa u leh jaangoynta nuuca doorasho ee dalka ka dhaceyso, doorshooyinka maamullada yo dhismaha maamullada dowladaha hoose.
• Kheyraad-Qeybsiga: Qodobada miiska saran ee ugu kulul ayaa sidoo kale waxaa kamid ah shuruucda kheyraad qeybsiga oo ay xukuumaddu gacanta ku heyso. Iminka ma jirto wax kheyraad ah oo la qeybsan doono, balse hergelinta shuruucdaas ayaa ah waxa laga wad hadli doono.

2- Abaaraha dalka ka jira: Sida ay sheegayaan odoros ay sameeyeen hay’adaha QM, waxaa cabsi laga qabaa in abaar daran ay ku dhufato inta badan gobollada dalka. Madaxda ayaa la filayaa in qodobkan uu u noqdo mid kamid ah wax yaabaha ay ka hadlayaan.

Dhinaca kale wararka laga helayo caawa magaalada Garowe ayaa sheegaya inuu socdo kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayaan Madaxda, horudhacna u ah shirka berri furmaya.