Xeer ilaaliyaha guud ee Maamulka Puntland Maxamuud Xasan Aw Cismaan ayaa sheegay in dhowaan la bilaabi doono dhagaysiga dacwada rag loo haysto dilka kiiska Caasha Ilyaas oo bishii Febraayo ee sanadkan lagu diley magaalada Gaalkacyo.

Maxamuud Xasan Aw-Cismaan Xeer Ilaaliyaha maamulka Puntland ayaa ku macneeyay sababta ay u qaadatay waqti dheer baaritaanka kiiskan aad looga naxay ay ahayd iyadoo baaritaan dheer oo ay wadeen ha’yadaha dambi baarista iyo mid dhanka dhiigga hidde-sidaha ah.

“Waxaa daahiyay kiiskaasi baaristiisa, maadama, aanan gacanta ku heynin baarista rasmiga ah ee qalabka lagu sameynayay oo dibedda loo diray…jawaabta waxay timid muddo toddaad ka hor” ayu yiri Xeer Ilaaliyaha.

Xeer Ilaaliyaha Puntland Maxamuud Aw Cismaan ayaa sidoo kale sheegay in 10 qof oo lagu soo eedeeyay dilka Caasha ay baarayaan halka saddex kamid raggan ay si toos ah ugu socoto eedda.

Qoyska ay ka soo jeedo gabadhan kufsiga iyo dilkaba la isugu direy ayaa hore ugu dhaliilay maamulka Puntland inuu ka leexleexanayo in maxkamad la soo taago raggii ka dambeeyay dilka gabadhooda.

Waxayna qoyskan dhowaan ka guureen magaalada Gaalkacyo si ay ugaga fogaadaan inay mar walba soo xusuustaan sida foosha xun ee gabadhooda loo diley.