Maxkamada Racfaanka ee magaalada Hargeysa ayaa xukuntay in xabsiga laga sii daayo carruur darbijiif ah oo hore loogu xukumay xarig.

Maxkamada gobolka Maroodijeex ayaa hore ugu xukuntay min lix bilood oo xarig ah carruurtan oo laga soo ururiyay wadooyinka magaalada Hargeysa.

Qareenka u doodayay carruurtan Mubaarik Cabdi Ismaaciil ayaa saxaafada u sheegay in carruurtan aan lagu helin wax dambi ah. Maxkamada Racfaanka gobolka Maroodijeex ayaa hore u amartay in xabsiga laga sii daayo abwaan lagu eedeeyay inuu aflagaadeeyay ciidamada Booliska Somaliland.

Garabka dhallinyarada xisbiga wadani oo iyagu qabtay qareenkii carruutan u doodayey ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin go’aankan maanta kasoo baxay maxkamadda.