Maxkamadda Ciidamada qalabka ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay Askari ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kaasoo nin darawal ahaa ku dilay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Askariga dilka lagu xukumay ayaa lagu magacaabaa C/llaahi Xasan Maxamed Cali, kaasoo loo heysto dilka darawal gaari BL ah oo 6-dii bishii Janaayo ee sanadkan 2019 uu ku dilay agagaarka Siinka Dheer.

Kiiska oo socday tan iyo bishii Janaayo, markii dilak dhacay ayaa Maxkamadda la horkeenay caddeymo kala duwan, waxaana darawalka la dilay lagu magacaabi jiray Maxamed Ismaaciil Qaboobe, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay toogashadaas rakaab saarnaa gaariga oo lagu magacaabayay Maxamed Cali Xasan, kaasoo dhaawac culus soo gaaray.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku soo ogaadeen in eedeysanaha uu si jees jees ah u toogtay darawalka, xilliga uu dilka geysanayay uusan tixgelin gaar ah siin wadaha gaariga ee u istaagay si uu u aqbalo hubinta sharciga ee Siinka dheer oo uu mari jiray.

Intaas kadib ayay Maxkamadda go’aamiyeen in lagu xukumo eedeysane Cabdullaahi Xasan Maxamed Cali dil toogasho ah oo ah qisaasta Marxuum Maxamed Ismaaciil Qaboobe, sida uu u sheegay Warbaahinta Gaashaanle Dhexe Maxamuud Xuseen Maxamed oo kamid ah Garsoorayaasha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.