Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta 8 sano oo xabsi ciidan ah ku xukuntay nin lagu soo eedeeyay inuu Al-Shabaab u iib geyn jiray Hubka.

Ninkan oo lagu magacaabo Caddow Cabdulle Axmed (Carab) ayaa waxaa gacanta ku soo dhigay Ciidamada amniga, xilli uu ku guda jira daabulida hubka iyo rasaasta noocyadooda kala duwan oo u waday Al-Shabaab, waxaana Maxkamadeyntiisa bilaabatay 30-kii bishii April.

Waxaa uu si cad Maxkamadda uga hor-sheegay inuu u furnaa Suuq uu ku iibiyo hubka oo cid kasta oo hubka daneysa uu ka iibin jiray, laakiin arrinta layaabka leh ay aheyd inuu safaro ku tagay deegaanada Al-Shabaab, si uu hub ugu geeyo.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa sheegay in ninkan uu hub ugu geeyay Al-Shabaab deegaanada Kuunyo-Barrow, Toora Toorow iyo Mubaarak oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo hubka ugu geeyay xubnaha Al-Shabaab u qaabilsan keydinta hubka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay go’aanka Maxkamadda, isagoo sheegay in lagu xukumay 8 sano oo xabsi ciidan ah.

Sidoo kale waxaa uga digay iibinta hubka qarsoodiga ah ee lagu iibiyo Suuqa Cirtoogte, waxaana ay Maxkamadda fartay Hey’addaha Ammaanka inay baaritaan iyo daba gal ku sameeyaan shaqsiyaadka ka gacansada hubka.

“Shaqsigii ay ku cadaato in uu gacan ku siiyo cid kasta oo lid ku ah dowladnimada hub iyo Rasaas waxa uu inooga dhigan-yahay sida kooxaha arga-gixisada, waxa uuna heli doonaa ciqaab u dhiganta miisaanka dambi uu galay, Ogaada cid loogu dulqaadan doono ma jirto ficillada nuucaas oo kala ah” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Maxkamadda Ciidamada ayaa muddooyinkii u dambeeyay qaadeysay dacwadaha iyo fal dambiyeedyada isugu jira dilalka iyo falalka kale ee lidka ku ah Amniga, waxaana horay xukuno kala duwan ku riday askar ka tirsanaa ciidamada iyo rag lagu soo eedeeyay Shabaabnimo.