Maxkamadda Darajarada koowaad ee Gobolka Nugaal ayaa maanta soo gabagabeysay kiiskii kufsiga iyo dilkii ka dhacay bishii February ee sanadkan Gaalkacyo ee loo geystay Caaisha Ilyaas Aadan oo aheyd gabar 12 jir ah.

Illaa 10 eedeysane oo loo heystaan falkaas ayaa muddo labo jeer la soo taagay Maxkamadda, iyadoo ugu dambeyn maanta ay Maxkamaddu riday xukun.

Saddex eedeysane oo labo ka mid ah ay walaalo yihiin ayay Maxkamadda ku riday dil toogasho ah, halka 7 kalena la sii daayay.

Eedeysanayaasha xukunka dilka lagu riday ayaa lagu kala magacaabaa C/fataax C/raxmaan Warsame, C/salaan C/raxmaan Warsame iyo C/shakuur Maxamed Dige.

Dhacdadii bishii February ee sanadkan ka dhacday magaalada Gaalkacyo ayaa aheyd mid naxdin ah oo dad badan oo Soomaaliyeed walaac ka muujiyeen dilka iyo kufsiga loo geystay gabadha 12-jirka aheyd ee lagu magacaabayay Caaisha Ilyaas.