Diyaarad siday Meydka Wasiirkii dastuurka xukuumada soomaaliya Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh JIbriil ayaa goordhow ka soo degatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo qaar kamid ah golaha wasiirada ayaa ku sugan garoonka diyaaraha magaalada Muqdisho.

Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa lagu wadaa in maanta marka salaadda Janaasada lagu tukado kadib lagu aaso qabuuraha Isbitaalka Madiina dhabarkiisa dambe ku yaalla.