Allaha u naxariistee meydka Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ahaa wasiirkii Dastuurka dowlada federalka ayaa maanta lagu aasay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ka qayb galay janaasada iyo aaska Allaha u naxariistii wasiirkii arrimaha dastuurka, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo jimcihii ku geeriyooday magaalada Dubai.

Allaha u naxariistii wasiirkii arrimaha dastuurka xukuumadda federaalka Soomaalya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa lagu aasay Qabuuraha Isbitaal madiina

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo Marxuumka Allaha uga baryay in uu u naxariisto, ayaa caddeeyay in uu xukuumaddiisa uu ka baxay mid kamid ah wasiirradii ugu kartida badnaa isaga oo ku sifeeyay Wasiir Cabdiraxaan Xoosh in uu ahaa halyaay qaran oo ay ku wayntahay Soomaalinimada, daacad ah, howl kar ah, ka maran musuq-maasuq, shaqo badannada geliyay qabya-tirka dastuurka iyo qoriddii dastuurka KMG ee hadda lagu shaqeeyo.

Marxuum Xoosh ayaa ku dhashay magaalada Jowhar sanadii 1956, waxana uu waxbarashadiisii Hoose dhexe iyo sare uu ku qaatay isla magaalada Jowhar, waxaa waxbarashadiisa heer jaamaadeedna ku qaatay dalka Canada.

Allaha u naxariistee Marxuumka ayaa xubin kasoo noqday baarlamaankii 9-aad, waxa uuna sidoo kale laba jeer noqday wasiirka Arrimaha Dastuurka, isaga oo hogaaminayay qoristii iyo dhameystirka Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya ee la ansixiyay August 2012-kii.