Mas’uuliyiinta gaadiidka gurmadka degdega ee Amiin Ambulance ayaa sheegay in laga mamnuucay inay tagaan goobaha ay ka dhacaan qaraxyada, si ay u caawiyaan dadka u baahan gurmadka deg dega ah.

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) ayaa la sheegay inuu bixiyay amarkan cusub, iyadoo Taliyaha Saldhigga Booliska ee degmada Hodan Bashiir Cabdi Siyaad uu khadka taleefanka kula hadlay saraakiisha Amiin Ambulance una sheegay in aysan tagi karin meelaha dhibaatooyinka ka dhacaan.

Xubnaha uu la xiriiray ayaa Taliyaha u sheegay inuu amarka ku soo boxo digreeto, si ay Warbaahinta ula wadaagaan amarka la siiyay oo ay Shacabka ku war geliyaan iney joojiyeen shaqooyinkii ay dadka u hayeen, balse waxaa arintaas iska diiday Taliye Bashiir Cabdi Siyaad.

Saraakiisha Amiin Ambulance ayaa intaasi kadib xiriir la sameeyay Wasiirka Amiga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale), kaasoo u sheegay inuusan waxba kala socon amarkan soo baxay, balse uu dib ka baari doono, soona ogaanayo sababta ka dambeysa.

Waxaa jira warar kale oo sheegay inuu dalka isaga cararay Guddoomiyaha Hay’ada Aamin Ambulance Dr. C/qaadir Cabdiraxmaan Xaaji Yuusuf oo hada ku sugan dalka Turkiga, kaddib markii digniin loo diray, laguna amray in gaadiidka Ambulance ee Hey’addiisa ka howl geli karin goobaha dhibaatada ka dhacaan.

Hey’adda Ammaanka dowladda ayaa la sheegay inay go’aan ku gaareen in Saxaafadda iyo dadka in aysan tagi karin goobaha qaraxyada ka dhacaan.

Gaadiidka gurmadka degdega ee Amiin Ambulance ayaa gurmad u fidin jirtay dadka ku dhaawacma goobaha Qaraxyada ay ka dhacaan ee Magaalada Muqdisho, waxaana muddo 10 sano ka badna ku shaqeynayeen si mutadawacnimo ah, waxaana uu ahaa gaadiidka kaliya ee gurmadka degdega ee taga goobaha qaraxyada ka dhacaan.