Mid ka mid ah Shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta SOMTEL oo saaka lagu dilay Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa saaka magaalada Muqdisho ku dilay mid ka mid ah Shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta SOMTEL oo ka mid ah shirkadaha Isgaarsiinta ee caanka ka ah Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Marxuumka la dilay lagu magacaabayay Maxamuud Cabdi Daahir (Ilkacase), waxaa lagu dilay meel ku dhow Masaajidka Xareed ee ku dhow Suuqa Bakaaraha.

Xilliga la dilayay ayaa la sheegay inuu ku sii jeeday goobtiisa shaqo ee Shirkadda SOMTEL oo subax walba u kalaho.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dilkiisa, waxaana qaar ka mid ah Idaacadaha Maxaliga ee magaalada Muqdisho ay qoreen dadkii ka dambeeyay dilkiisa ay ahaayeen koox burcad ahoo doonayay inay ka dhacaan taleefankiisa, inkastoo aan illaa iyo hada la xaqiijin.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka dhacayay dilal kala duwan oo dhowr nuuc isugu jiray, waxaana todobaadkan kaliya lagu dilay magaalada in ka badan 10 ruux oo siyaabo kala duwan ay dilkooda ugu lug lahaayeen ciidan, koox hubeysan iyo falal kale.