Mid kamid ah darawalada Mootooyinka loo yaqaan Bajaaj ayaa lagu diley degmada Hodon ee magaalada Muqdisho kadib markii uu muran dhex maray askari ka tirsan ciidamada dowlada.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in dilkan oo ka dhacay isgoyska Banaadir uu geystey askari ka tirsan ilaalada isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir.

Goob joogayaal ayaa soo sheegaya inuu jiray muran soo kala dhex galay askariga iyo ninka watay Mooto Bajaajta, taasoo keentay inuu rasaas u adeegsaday, iyadoo durba uu goobta ku geeriyooday marxuumka.

Sidoo kale waxaa rasaasta ku dhaaacmay qof kale oo saarnaa Moota Bajaajta, Ciidamo boolis ah oo ku sugnaa meel ku dhow halka uu dilka ka dhacay ayaa soo xiray askarigii dilka geystay waxaana askariga iyo meydka ninka uu dilayba la geeyay Xarunta Baarista Dambiyada ee C.I.D.

Darawalka Mooto Bajaajta ee la diley ayaa noqonaya kii saddexaad ee lagu dilo magaalada Muqdisho sanadkan cusub 2019ka,hase yeeshee waxaa uu dilkan ugaa duwan yahay kuwii hore loogu geysan jirey Mooto Bajaajta iyadoo la qabtay askarigii ka dambeeyay falka dilka ah.