Wasaarada Gaashaandhiga dalka Sudan ayaa ku dhowaaqday Madaxweynihii dalka Sudan Cumar Al-Bashir oo xukumayay dalkiisa muddo soddon sano ah in la afgambiyay kadibna xabsiga la dhigey.

Awad Ibn Ouf oo ka hadlay taleefishinka dowlada Sudan ayaa sheegay in Milatariga ay go’aansadeen inay xukumaan dalka labada sano ee soo socota kadibna la qabto doorasho.

“Saddex sano oo xukun deg-deg ah ayaan ku soo rognay dalka,Cumar Xasan Al-Bashirna waxaa lagu hayn doonaan meel amni ah.”ayuu yiri Awad.

Dastuurka waa la hakiyay,waxaana sidoo kale la xirey xuduudaha dalka Sudan illaa amar dambe halka hawada dalka Sudan muddo 24 saacadood ah laga joojiyay inay diyaaradaha dul maraan.

Banaanbaxyo loogaga soo horjeeday Madaxweyne Bashir ayaa bilihii la soo dhaafay ka socday dalka Sudan.