Mukhtaar Roobow oo mar kale la guddoonsiyay shahaadada Musharaxnimo ee Koofur Galbeed

Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa mar kale la guddoonsiiyay shahaadada Musharaxnimada Madaxweynaha Koofur Galbeed, kaddib markii uu maanta tagay Xarunta Guddiga Doorashada ee magaalada Baydhabo.

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed oo maanta bilaabay diiwaan gelinta Musharaxiinta ayaa sheegay inay dib ugu cusbooneysiiyeen shahaadadii uu horay u qaatay Mukhtaar Roobow.

Diiwaan gelinta Musharaxiinta ayaa socon doonta labo maalin, iyadoo ay ku egtahay maalinta berri oo ku beegan 26 November.

Mukhtaar Roobow ayaa buuxiyay shuruudihii looga baahnaa Musharaxiinta ee ay horay Guddiga doorashada soo bandhigeen.

Waxaa horay u jiray cadaadis Guddiga lagu saarayay in Mukhtaar Roobow aan la siin shahaadada musharaxnimada, hase ahaatee Guddiga ayaa taas uga fakaday shuruudo uu soo bandhigay oo ahaa in cid kasta oo aanay Maxkamad dambi ku soo oogin inay isa soo sharxi karto.

Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay cadaadis ku saareysay in Mukhtaar Roobow laga reebo tartanka Musharaxnimada, waxaana Wasaaradda Amniga Gudaha horay u soo saareen go’aan, inkastoo uu dhaqan geli waayay go’aankaas.