Xaflad ballaaran oo ay ku qalin jebinayeen in ku dhow konton arday oo soo dhamaysatay kulliyadaha Jaamacada Jobkey faraceeda Jowhar ayaa maanta lagu qabtay magaalada Jowhar xarunta Dowlad goboleedka Hirshabelle.

Munaasabadan ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Cismaan Barre Maxamed,Wasiiro,Wasiir ku xigeeno,xildhibaano,mas’uuliyiin ka socotay maamulka degmada Jowhar, iyo kan gobolka Sh/dhexe, madax sare oo ka socotay Maamulka Jaamacad Jobkey,waalidiinta ardayda dhamaysatay waxbarashada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Jowhar.

Ugu horeyntii waxaa halkaas ka hadlay Madaxa Jaamacadda Jobkey Inj Cali Aadan Axmed waxana uu ka sheekeeyay taariiqdii ay soo martay Jaamacada Jobkey gaar ahaan faraca Jowhar.

Mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha degmada Jowhar Cismaan Maxamed Muqtaar,Duqa magaalada Jowhar Saalax Muudey Cali,Kusimaha guddoomiyaha gobolka ahna guddoomiye ku xigeenka arrimaha siyaasada Maxamed Cabdi Sheekh oo ka hadlay munaasabada ayaa u hambalyeyay ardayda qalinjebisay waxayna sidoo kale u mahadceliyeen maamulka Jaamacada Jobkey oo suurtogeliyay in ardaydan iyagoo aan gurigooda ka tegin ay waxbarasho u keenaan.

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Dhalinyarada iyo Cayaaraha Maamulka Hirshabeele Maxamed Cabdalla Deeqow oo madasha ka hadlay ayaa ugu baaqay madaxda sare ee Hirshabeele iyo Wasaaradaha kala duwan ee dowlad goboleedka Hirshabeele iney shaqaaleysiiyaan dhalinyarada ka baxday jaamacadaha ee k u nool deegaanada hirshabeele si dhiirigilin ay ugu sii noqoto ardayda kale ee hamiga ka leh iney meel fiican ka gaaraan waxbarashada.

Proff Maxamad Xasan Doob oo ka mid ah maamulka sare ee Jaamacada jobkey kuna hadlayay afka gudoomiyaha guud ee jaamacada ayaa sheegay in jobkey ay xarumo ku leedahay gobolo badan oo Somaliya ka mid ah isla markaana ay sanadkaan ka qalin jabinayaan arday ka badan kun,waxaa kale oo uu madasha ka sheegay in ardayda maanta dhameysatay heer koowaad ee Jaamacada ay weli Jobkey sii caawin doonto isla markaana tababaro kale ay siinayaan qaarkoodna jaamacada ay shaqo siin doonto.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Baarlamanka Hirshabeele Sheekh Cisman Barre Maxamad oo soo xeray munaasabada ayaa u hambalyeeyay madasha ka sheegay in shaqo uu qaban karo qof Hirshabeele u dhashay inaanan loo dhiibeynin qof kale waxaana uu intaas ku daray in lagu jiro waqti qofka cilmiga leh uu shaqeynayo kana an lahayne uu ku jirayo mugdi.
Hase yeeshee waxaa sanad walba ka soo qalin jebiya Jaamacadaha ka jira dalak Kumanaan arday ah kuwaasoo badankood aysan helin wax shaqo.

Ardayda maanta qalinjebisay ayaa ah dufcadii labaad ee ka qalin jabisa Jaamacada jobkey faraceeda magaalada jowhar waxana ay wax ka barteen kulliyadaha Beeraha, Caafimaadka, Sharciyada iyo Maamulka.