Munaasabad lagu abaalmarinayay Madaxda, Saraakiisha iyo howl-wadeenada HSJ ayaa lagu qabtay Xarunta dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee magaalada Muqdisho.

Xubno isugu jira agaasime xigeeno guud, agaasime waaxeedyo, madax laameedyo, madax qeybeedyo, madax xaafiiseedyo, u qeybsane-yaal iyo howl-wadeeno ayaa munaasabadda oo sanadle ah lagu guddoonsiiyey abaalmarino iyo shahaadoyin.

Xafiisyada iyo saraakiisha la abaalmariyey ayaa ku muteystey shaqo wanaag, ilaalinta sharciga, hab-raacyada iyo karti dheer oo ay muujiyeen sanadkii la soo dhaafay.

Agaasimaha guud Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Col. Maxamed Aadam Koofi oo goobjoog ahaa munaasabadda ayaa shahaadooyinka guddoonsiiyay dhamaan saraakiisha muteysatay abaalmarinta, isaga oo ku dhiiragaliyay Saraakiisha kale in ay ku daydaan isla markaana sii joogteeyaan gudashada waajibka qaranka.