Hay’addaha nabad sugidda Dalalka Dadkooda xurmeeya waxay u ilaaliyaan kobciyaanna   hal bawlayaasha dhaqaale , wax barasho ,caafimaad iyo nabad galyo cid kasta oo dalka ka shaqaynaysa mid gaara iyo mid guud ba waa inay dhug u leedahay.

Wax kasta oo la barayo ubadka  masuuliyad ayaa ka saaran ka hor wasaaradda barbaarinta , Hanaan kasta oo daawayneed oo Dalka ka jira masuuliyad ka culus tan W/Caafimaadka ayaa saaran , nooc kasta oo gacansi , mid dibadeed iyo gudaha ah , war shadaynta Dalka iyo suuq gaynta Wax soo saar ka Dalka waxay ka mid tahay waajibaadka Hay’adda Nabad  Suggidda .

6 dii sano ee ugu dambeeyay cumrigii N.S.S waxaan ka leexanahay ama nalaga leexiyay jidkii saxda ahaa waxay noqotay shaqadii Hay’adda  qofka soomaaligaa iyo dharkiisa inaan ku dhex noolaano , waxaan ku mashquulnay maslaxad shakhsi iyo dano shisheeye oo ay saraakiisha qaar u galiyeen dhar  Qaran , waxaan mar kaliya ku baraarugnay inaan bad aan ka noqosho lahayn bartan keeda doon tii umadda ku shidaal tirnay. Waxaa hubaal ah inuu dalku u dhintay khaladkii N.S.S ay ku hagtay Madaxdii Dalka .

Dhawr bilood ka hor ayaan xamar tagay , waxaan dhugtay siday u shaqayso NISA ,  waxaa ii muuqan waayay cuquushii Soomaaliyeed , waxay ku shaqaysaa aragti aan bislayn , waxaa laga dhigay shirkad gaar ah , waxaan muddo fog kala taliyay Saraakiishii soo maamulayay Hay’adda in macluumaadka shaqaalaha Hay’adda lagu ilaaliyo faylasha gacanta lagu qoro  barigaa laguma khasaarin aragtidaas , lagana ilaaliyo qalabka casriga ah.

Nin gar madaw ah ayaan isku baranay Xamar , galabtaaba waxaan ogaaday inuu Sarkaal NISA ah yahay , fiidkiina wuxuu itusay Kaarkiisa Aqoon siga , 3 casho kadib wuxuu ii keenay shaqaalaha Hay’adda magac ,darajo iyo aqoon sigooda oo ku jira (USB ) anigoo aad u xanaaq san ayaan baadi goobay gabanka siihayaha ah, La, Af Hayeenkii hore ee Ururkii Alitixaad barigay Gedo maamulayeen gadaalkiin ahaa Wariyihii Aljazeera ee Xamar , Fahad Yaasiin , 17 maal mood ayaan ku raad joogay waana ka quustay , dan ii gaara uma doonan .

Xildhibaan , wasiir iyo wax garadkii aan waydiiyay oo aanan ogayn waxa aan u doonayo  waxay igula taliyeen in M/Farmajo ka sahlantahay inaan raadsado , talo waxay iiga iba beeshay inaan Madaxwaynaha raadiyo , 3 jeer ayaa la ii sheegay in ballan kaygii la baajiyay oo Madaxwaynuhu mashquulay, Dadku dhibta ay ku qabaan madaxda qaranka anigoo la amakaagsan ayaan isaga imid Xamar .

In lagu mashquulo dhawr kuray oo baabuur qaraxa xamar ku dhex wadda , laguna sugo isgoysyo dhawr ah oo hareeraha inta kuraas la dhigto Qaad iyo Telifoon lala fadhiyo ma ahan nabad sugiddu , ma ahan in xayndaab yar lagu dhuunto oo la isugu keeno in yaroo is taqaan, Haddii aan la helin caqli qaadi kara masuuliyadda nabad galyo , caafimaad iyo wax barasho laguna sidkin NISA waxay ka tagi doonaan qolada haattan madaxda ah guri mugdi ah , haddaan gudinta NISA ee daabkeedu shisheeyaha hayo aanan lagu soo celin gacan Soomaali laguna Nikaaxin Maskax Soomaalinimo , gogol dhaaf laga dayn maayo.

F Xiirane ( N.S.S 1976-1991 )
fahiira@gmail.com