Saahid Maxamuud Cali oo ah nin dhalinyaro ah ayaa maanta loo doortay inuu noqday duqa iyo guddoomiyaha magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland kadib markii golaha deegaanka ay u codeeyeen doorashada guddoomiyaha iyo duqa Gaalkacyo.

23 cod ayuu helay Saahid Maxamuud halka musharaxii la tartamayay oo ahaa Cabdiqani Diiriye Dhagaweyne uu ka helaya 7 cod iyadoo mid kamid ah codadkiina xumaaday.

31 xubnood oo ah golaha deegaanka magaalada Gaalkacyo ayaa u codeeyay doorashadan iyadoo sidoo kale la doortay guddoomiye ku xigeenka magaalada Gaalkacyo.

Duqa cusub ee magaalada gaalkacyo Saahid oo ah nin dhalinyaro ah oo aqoonyahan ah ayaa la rajeynayaa in uu wax ka qabta dhibaatoyinka ka jira magaalada Gaalkacyo gaar ahaan qeybta uu hoostago maamulkiisa Puntland.