Faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax xalay ka dhacay Isgoyska KM4 ee bartamaha magaalada Muqdisho, kaasoo ahaa qaraxyada nuuca Miinooyinka lagu dhejiyo gaadiidka gaarka loo leeyahay.

Qaraxa ayaa waxaa ku geeriyooday Eng. Maxamed Cabdi Kaariye oo ka mid ahaa dhalinyarada firfircoon ee ka shaqeysa Qandaraasyada dhismaha ee magaalada Muqdisho.

Si dhab ah looma oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka Wiilkan dhalinyarada ah oo aanan u shaqeyneyn dowladda, isagoo wax ku soo bartay magaalada Lahore ee dalka Pakistan.

Dab xoogan oo ka kacay gaariga qarxay ayaa daqiiqado badan kaddib waxaa lagu guuleystay in la damiyo, iyadoo Saraakiisha ammaanka aysan wax war ah ka soo saarin qaraxa iyo qaabka gaarigiisa loogu soo xiray.

Meel aan ka fogeyn halka xalay qaraxa uu ka dhacay, waxaa laba habeen kahor lagu dhaawacay Sarkaal katirsan laanta baarista danbiyada ee C.I.D, kaasoo gaarigii uu watay Miino loogu xiray, iyadoo maalmihii danbe ay Muqdisho ku soo badanayeen qaraxyada gaadiidka lagu dhejiyo ee loogu talagalay in lagu dilo qofka bartilmaameedka ah.