Wararka ka imanaya deegaanka Buurane oo qiyaastii 18km dhinaca Waqooyi ka xigta magaalada Jowhar xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa sheegaya  in uu isku dal-dalay mid ka mid ah macalimiinta wax ka barta dugsiga Hoose Dhexe deegaankaas.

Maxamed Cabdi Aadan oo ahaa 52 sano jir ayaa laga helay meydkiisa guri uu ka degenaa deegaanka Buurane xalay isagoo meyd ah kana soo laadlaada xarig.

Dadka degen deegaanka Buurane  ayaa sheegay in markii ugu wardambeysay ee lagu dhex arko deegaankaas Macalin Maxamed Cabdi ay ahayd  duhurnimadii Jimcaha isagoo salaada Jimcaha ku tukaday masjidka weyn ee deegaankaas.

“Aad ayuu isku buuqsanaa toddobaadyadii la soo dhaafay waxana uu marwalba ka hadli jirey mushaar la’aanta haysata macalimiinta wax ka dhigta  dugsiga uu macalinka ka ahaa oo ay maamusho Wasaarada Waxbarashada Dowlada Federalka.”ayuu yiri mid kamid ah dadka ku nool.

Marxuumka is daldalay ayaa ifka ugaga tagay afar carruur ah waxaana la sheegay in aysan carruurtiisu aysan la nooleyn oo uu keligii degenaa guri uu ku lahaa deegaanka Buurane.

Waa markii ugu horeysay ee deegaanka Buurane oo kamid ah degmada Mahaday uu qof isku daldalo sida ay sheegeen qaar kamid ah duqeynda deegaankaas oo aad uga murugooday falkan ka dhacay deegaankaas.