Wararka ka imanaya dalka Turkiga ayaa sheegaya in mid kamid ah labo ruux oo loo haystay eedeymo ah inay u basaasayeen wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta inuu isku diley xabsi uu ku xirnaa.

Wakaalada wararka ee Anadolu ayaa baahisay in waqti dambe la ogaaday dhimashada ruuxan latuhunsanyahay in uu basaas u ahaa Imaaraatka isagoo isku dhex diley musqul ku tiil gudahah xabsiga.

Masuuliyiinta dowlada Turkiga ayaa sheegay in illaa iyo haatan ay baarayaan sida ay ugu suurta gashay in uu isdilo.

Labadan ruux ee la xirey oo ka soo jeeda dalka Falastiin ayaa la aaminsan yahay inay ku lug lahaayeen dilkii sanadkii hore ee weriye Jamal Khashoggi.
.