Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal laga fuliyay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho lagu soo qabtay howlwadeen ka tirsan Amniyaadka Al-Shabaab.

Sida lagu shaaciyay qoraal barta Twitter-ka ee NISA la soo geliyay ayaa lagu sheegay in howlgalkan ay fuliyeen Ciidamada Amniga aysan cidi wax ku noqon.

“Howlgal aan cidi wax ku noqon oo ciidanka amnigu ka fuliyay Ceelasha Biyaha ayaa waxaa lagu soo qabtay howlwadeen Amniyaatka Alshabaab ka tirsan. Saraakiisha amniga ayaa ku haya baaritaan la xariira howlaha gurracan ee uu ku jiray”ayaa lagu yiri qoraalka NISA ee la soo geliyay barta Twitter-ka.

Labo habeen ka hor ayay aheyd markii sidan oo kale ay NISA u sheegtay in howlgal ay ka sameysay degmada Shibis ku soo qabatay xubin ka tirsan Amniyaadka Al-Shabaab oo ka howlgeli jiray degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa, laguna tuhmayo dilal uu ka dambeeyay

Inta badan howlgalada NISA ay sheegto inay ku soo qabato xubnaha Al-Shabaab ayaa la socon wax macluumaad ah sida magaciisa oo buuxa, mana jirto faah faahin dheeraad ah oo laga bixiyo, halka horay dowladdu u soo bandhigi jirtay xubnaha howlgalada lagu soo qabto.