Shir lagu soo gabagabeeyay maanta magaalada Garowe ee xarunta Maamul goboleedka Puntland ayaa laga soo saaray 11 qodob oo uu ka mid yahay in Maamulka Puntland uu ku lug yeesho wadahadalada la filay in ay yeeshaan dowlada federalka iyo Maamulka Somaliland.
Shirka loogu magac daray jiheynta siyaasadda Maamulka Puntland oo maalmihii lasoo dhaafay ka soconayay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland uuna shir guddoominayay Madaxweynaha Puntland ayaa qodobadii loogaga hadlay waxaa ka mid ahaa arrimaha dhaqaalaha,daqli ururinta,doorka hay’adaha caalamiga ah iyo qodobo kale.

Warkan ka soo baxay Maamulka Puntland ee ku aadan sidii ay uga qeyb gali lahaayeen shirka lagu wado inuu dhex maro dowlada federlka iyo Maamulka Somaliland ayaa ku soo beegmay xilli xiisad colaadeed ay ka jirto gobolka Sanaag.

Ciidamo badan oo ka kala socda Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa ku qulqulaya deegaano ka tirsan gobolka Sanaag halkaa oo laga cabsi qabo inuu dagaal ka bilowdo.