Maamulka Puntland ayaa qaadacday guddi ay magacawday Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya, kuwaasoo Tartan u qabanaya Shirkadaha Diyaaradaha ee qaada Xujeyda Soomaalida ee sanadkan xajineysa.

Wasiirka Caddaalada iyo arrimaha Diinta Puntland Cawil Sheekh Xaamud Maxamed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa sheegay in aysan jirin wax la tashiyo ah oo ay Wasaaradooda la soo sameysay Xukuumada Soomaaliya, taasoo soo dadajisay go’aanka ay qaateen.

Wasiir Cawil Sheekh ayaa ka dalbaday Xukuumada Soomaaliya iney deg deg u soo gudbiso qoondada Puntland uga soo aadeysa dadka sanadkan dalka ka baxaya, wuxuuna si cad u sheegay iney doonayaan in si gaar ah ay qoondadooda u maamushtaan.

“Xaq baanu u leenahay in nagula soo wareejiyo, si aan u ogaano tirada xujeyda Puntland ee halkaan ka baxi doonta, Wasiirka Diinta Federaalka waanu wadahadalnay, waxaana ka sugeynaa in uu nagu soo wareejiyo, hadii ay jiraan awood ka sareysana u cadeeyo shacabka Puntland,” ayuu yiri Wasiir Cawil Sheekh.

Sidda ku cad warbixin kasoo baxday Sacuudiga, Soomaaliya ayaa kaliya sanadkaan loo ogol­yahay in ay kasoo xajiyaan 11,500 (kow iyo toban kun iyo shan boqol) oo xujeey ah, taasi oo maamulada qoondo ku leeyihiin.

Guddiga ay qaadacday Puntland oo ka kooban Todobo xubnood, ayaa isugu jiray Mas’uul ka tirsan Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya, Afar Culumo ah iyo laba kamid ah ururada Bulshada Rayidka ah oo midi ay Haweeney tahay.