Maamulka Puntland ayaa mamnuucay soo dejinta, dhoofinta iyo ganacsiga Hubka iyo agabka ciidan, kaddib wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Amniga Puntland C/samad Galan.

Wasiirka Amniga Puntland ayaa sheegay in aysan raalli ka aheyn hubka sharci darada ee laga soo dejiyo laga dhoofiyo, wixii hadda ka dambeeyay la mamnuucay.

Sidoo kale waxaa lagu amray in dadka hubeysan in aysan geli karin Garoomada diyaaradaha iyo Dekedaha, balse ay geli karaan Mas’uuliyiinta dowlad Goboleedka.

Amarkan ayaa la faray amarkan inay fuliyaan Guddoomiyeyaasha Gobolada iyo Taliyeyaasha Ciidamada.