Puntland oo soo bandhigtay xisaabcelinta lacagihii ay ka heshay Dowlada Federalka

Maamulka Puntland ayaa noqday Maamul Goboleedkii ugu horeeyay ee ka jawaabo qoraal ka soo baxay Wasaarada Maaliyada Dowlada Federalka taasoo loogaga dalbanayay Maamul Goboleedyada in ay ka soo xisaab celiyaan lacagihii ka soo gaaray dowlada Federalka.

Qoraal uu soo saaray Wasiirka maaliyadda dowladda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe  ayuu ku soo bandhigay lacagihii ka soo gaaray Dowlada Federalka sanadkii 2017 illaa iyo 2018ka.

Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu sheegay qaabka lacag USD 450,000 waxaana lagu qabtay dhamaystirka iyo rinjiyeenta Garoonka caalamiga ah ee Gen: Mohamed Abshir Airport iyo dhismaha Jidka Wasaaradaha oo ay si wada jir ah u maalgaliyeen Dawladda dhaxe iyo Dawladda Puntland.taas loo isticmaalay iyo waxyaabihii lagu qabtayba.

“Guud ahaan lacagta aan ka helay Dowlada Dhexe oo ay ku deeqeen beesha caalamka waxa ay gaareysaa  

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in wasaarada maaliyada Puntland  ay la wadaageen xisaab-celinta dhammaan xafiisyada ay khuseeysay muddo bil ah ka hor.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay Wasaarada Maaliyada Puntland