Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda la keeno magaalada Muqdisho Meydka marxuum C/maan Xoosh Jibriil oo ahaa Wasiirkii hore ee Dastuurka Dowlada Federalka.

Allaha u naxarisitee C/maan Xoosh ayaa ku geeriyooday JImcihii magaalada Dubai waxaana loo sameyn doonaa aas qaran oo ay ka qeybgali doonaan inta badan madaxda dalka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa saaka xiran iyadoo dad badana ay isu diyaarinayaan inay ka qeybgalaan aaska Marxuumka.

Guud ahaan ammaanka magaalada Muqdisho ayaa la adkeeyay waxaana guddiga qabanqaabada aaska marxuum C/maan Xoosh ay sheegeen in marka la keeno medyka oo lagu tukado salaada Janaasada la aasi doono.

Dad badan oo ka mid ah dadkii ay saaxibada ahaayeen oo ku nool magaalada Jowhar oo 90km u jirta caasimada dalka oo ah magaaladii uu ku dhashay C/maan Xoosh ayaa shalay ka soo baxay magaalada Jowhar si ay uga qeybgalaan aaska marxuumka.