Qalabkii ugu dambeeyay ee hagista hawada Soomaaliya oo lagu wareejiyay dowlada Soomaaliya

Munaasabad lagu qabtay safaarada Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu soo wareejiyay dowlada Soomaaliya qalabkii ugu dambeeyay ee laga maamuli jirey hawada Soomaaliya.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad(Oomaar),siihaya safaraada Soomaaliya ee dalka Kenya Cali Maxamed Sheekh(Bagadi) iyo saraakiil ka tirsan laanta duulista iyo Hawada Kenya ayaa ka qeybgalay munaasabadan.

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa sheegay in dhammaan qalabkii yaalay Xarunta laga maamuli jiray Hawada Soomaaliya lagu wareejiyay safaarada Soomaliya ee Kenya maadaama ay tahay hanti Qaran si loo geeyo Magalada Muqdisho oo hadda laga maamul hawada Soomaaliya.

Siihayaha safaraada Soomaaliya ee dalka Kenya Cali Maxamed Sheekh(Bagadi) aha qunsulka guud ee Safaarada ayaa dhinaciisa sheegay in qalabkas ay a wareegeen,isla markaana loogu Shaqeyn doono Qaranka Soomaaliya,sidoo kalena albaabada la isugu dhuftay Xaruntii hore ee dalka Kenya.

Hawada Soomaaliya ayaa haatan waxaa laga maamulaa magaalada Muqdisho iyada oo tan iyo burburkii dalka laga maamuli jiray magaalada Nairobi ee dalka Keny