Qarax gaari lagu xiray oo goor dhow ka dhacay Muqdisho

Qarax ayaa goor dhow ka dhacay agagaarka Isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho,  kaasoo ahaa gaari yar oo lagu xiray waxyaabaha qarxa.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ku dhintay darawalkii waday gaariga, waxaa la sheegayaa inuu ahaa Agaasime Waaxeed ka tirsan Wasaaradda Boostada.

Inta badan qaraxyada lagu xiro gaadiidka yar ayaa ka mid noqday bartilmaameedyo lagu dilo saraakiisha ciidamada, mas’uuliyiinta iyo dadka kale.

Todobaadyo ka hor ayay aheyd markii Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle iyo darawalkiisa lagu dilay qarax loogu xiray gaariga ay la socdeen.