Qarax miino ayaa Ciidamo ka tirsan Milateriga lagula eegtay duleedka Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Weydow, iyadoo qaraxaas uu sababay dhimasho iyo dhaawac.

Sida wararku sheegayaan Ciidamada lala eegtay qaraxa ayaa saarnaa gaadiid kuwa dagaalka ah, kaasoo ka yimid dhanka degmada Afgooye, waxaana lagu qarxiyay agagaarka deegaanka Weydow.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu khasaare ka soo gaaray ciidamada Milateriga, waxaana la xaqiijiyay in afar askari ku dhaawacantay, kuwaasoo dhaawacooda loo soo qaaday Isbitaalada Muqdisho.

Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa ka dhacay qaraxyo miino oo lala eegto gaadiidka ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana maalmo ka hor laga soo saaray miinooyin dhulka hoostiisa la geliyay.