Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho

Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay Xaafada Kaawo Godey ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxa uu ahaa gaari la dhigay wadada.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay goob suuq Qaadka lagu iibiyo oo dadka ku badan yihiin.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in gaari yar oo wadada la dhigay uu qarxay abaarihii duhurkii, waxaana laga cabsi qabaa in khasaare kala duwan uu dhaliyay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in gaadiidka gurmadka degdega ay goobta gaareen, sidoo kale waxaa goobta qaraxa ka dhacay tagay ciidamo ka tirsan kuwa Amniga.

Si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxa oo ahaa mid si xooggan looga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.